Make your own free website on Tripod.com
Sheeg Hadaad Garato

Cabdi Iidaan Faarax Nuur
Wuxu yidhi Cabdi Iidaan Faarax Alla ha u naxariistee.

Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley'e
Shinbir_Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne
Sha'diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga'e
Shaabuugga nadigaa tix-yare sheexa ka lahaanne

Affarrey ha lala soo shirtago Shoolla Booliyahe
Halkaasaa Sengaha noo sharraxan shaalka loo sudhaye
Shafshafaha duxda ah leefihii cid u shaqaynaayey

Iyo SHurunshur malaggiisu galay haysa soo shubo'e
Shilmaqabe tixdaan Gaarriyoow shiinka ka asteeyey
Ama Geenyadaan xalay shirrabay shalaw abraarkeeda
Meeshaan Shakamaddawgu xidhay sheeg haddaad garato

Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe
Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato
Shubaal quruxsan Gaawaha shaxshaxa Shuqul gobaadeedka
Shinni dhagax sideedii markuu noogu shiro geelu

Sharaan duhurki sharad kuugu galay, Laaska shacabkaasa
Inaan maantadani kuugu shubo ee shifo u hooda
Markay shaaxin ugu heesayaan kama shiddoodaane
Sharba uga ducee inaanu helin shil iyo qayrkiiye

Misana Sheekhyadii iyo u qabay Weliyo sheellaaye
Misna sharax Kitaab kama akhriyin Shed ay ku yaallaane
Waxa badawgu SHa'allaah u yidhi sheeg haddaad garato
Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey

Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato
Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato
Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday

Shalmadi Koore raacdoo waxbaan sheedda ka arkaaye
Shishe u aragnay haasaawihii shaadirka lahaaye
Shaf-dhiggiisu meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato
Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo

Shoocaalligeedaa hirmacay waase sheen ga'anne
Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato
Cadceedduba Dayaxa shiiqiisee waana laba shay'e
Wuxu Shamacba taaggii u huray sheeg haddaad garato

Shafartii qabiilkiyo Wiglada lagu shanlaynaayo
Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey
Duqdii oo Shakaalkii qabriga iyo shebeggi hayn waayey

Shaaruba Libaax iyo hadday Shaadh ammaan tolatay
Sharcigi lagu qaban lahaa meelu jiro sheeg haddaad garato
Ninku kibirku shaanshaan ka ridey waaya shaxartaanye
Misna waxanu sheekada ku darin shiishka soo maqane

Inta Shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato
Shif u dhimo nin ragi waa geyaa sharafna nooloow'e
Waxay Sharadi meesheed u tahay sheeg haddaad garato
Shilalka lagu qal neefkii la cuni Shidhada xoolaaye

Shanqadhiyo Shariiryaha digsiga shagagaxdii weelka
Sidii Wananka loo kala shishlaa Shiillimaad noqoye
Shansho kama dhadhamin reerku waa shey cajaa'ibahe
Waxay sheeka-baraleeydu tahay sheeg haddaad garato

Shabeelkiyo Orgigu waa heshiis Shiibba?? dhega yaabka
Shilalkay isugu dhuumatay ee nabaddu shuuxshuuxa
Shullo maran la dhigaybaa jirtee sheeg haddaad garato
Shaxda niman aqoon lama degeen mana shu'aysteene

Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekeeya
Shinmaa la arkayaa waa su'aal sharad ka yaallaaye