Make your own free website on Tripod.com
gabayo Heeso Hal abuur Gabayo Heeso Hal Abuur Home
Suugaanta Saxardiid Maxamad Cilmi Jabiye

Saxardiid Maxamed

Hooygan ama ardaagan waxa loogu talagalay
BAAFINTA,
URURINTA,
KAYDKA iyo
BANDHIGGA
Suugaanta Somaliland. Suugaantaas oo kala ah kuna koobnayn, Gabayo, Heeso, Buraanbur, Geeraar iyo qaybaha kale eey u kala baxdo dhammaanteed. Hadaba, qofkii haya gabayo ama heeso ama suugaan kale oon hooygan ku jirin , waxaanu idinka codsanyna inaad noo soo gudbiyaan si aanu ula wadaagno dadweynaha reer Somaliland meelkasta ooy joogaan si ay ugu raaxaystaan uguna faanaan dhaqankooda qotada dheer. Waxa kaloonu ugu talagalnay hooygan reeeraha faraha badan ee qurbaha jooga si caruurtooda ay dhaqankooda u baraan ugana dhaadhiciyaan, qolooyinka soo koraya oon rajaynayno inay afafka qalaad u turjumi doonaan suugaanta Somaliland si adduunyada oo dhammi inoola wadaagto. Waxa kaloonu idinka codsanaynaa ruuuxi haya taariikhaha Abwaaniinta iyo fanaaniintaba inay noo soo gudbiyaan si aanu u xusno una aqoonsano qiimaha iyo qaayaha ay mudanyihiin xagga ereybixinta, qurxaynta, codaynta, dananinta iyo balaadhinta ama kordhinta afka Somaliga.
 
Ilwaad Quruxeey
Heestan midhaheeda waxa sameeyay
abwaan Saxrdiid Maxamad Cilmi
, magaceeda waxa la yidhaa Ilwaad Quruxeey, waxa ku wada qaadi jiray Ilaahya haw naxariistee fanaankii weynaa
Axmad Muxumad Good [Shimbir]
iyo fanaanada weyn ee caanka ah
Xaliimo Khaliif Magool
. Heestu waa tan:

Baydka Koobaad Shimbir

Agagaarka wadnaha
Hadaanad ku ool
Aroor walba Kumaan
amaaneeneey

Asluub badaneey
Amaan badaneey
Sidii ubaxii
Udgoon badaneey

Waxaan Idileey
Ku oon bixi laa

Anigoo dileey
Aroos kula gala
Adoo ooridayda Noqdoo
ubada dhala

Ilwaad quruxeey
Ilwaad quruxeey

Magool

Oohinta idhahaygii
Aan baranin
Adigay aawadaa
Ilmeeyaaneey

Asluub badanoow
Amaan badanoow
Sidii ubaxii
Udgoon badanoow

Waxaan Aabiyow
Ku oon bixi laa
Adoo Aabiyow
Aroos ila gala
Anigoo ooridayda

Noqdoo ubad dhala
Ilwaad quruxoow
Ilwaad quruxoow

Baydka Labbaad Shimbir

Intaan uumanaa
Aabidkay idilkii
Adoo kale aadmi
Kuma aradeey

Asluub badaneey
Amaan badaneey
Sidii ubaxii
Udgoon badaneey

Waxaan Idileey
Ku oon bixi laa
Anigoo idileey
Aroos kula gala

Adoo ooridayda
Noqdoo ubada dhala

Ilwaad quruxeey
Ilwaad quruxeey

Suugaanta Somaliland
http://shunuuf.tripod.com
Ma Dhamma'

Ku noqo Suugaanta Saxardiid



waxba
gabayo Heeso Hal abuur Gabayo Heeso Hal Abuur Home