Make your own free website on Tripod.com
Suugaanta Somaliland
 
Maxamad Ibrahim Warsame Hadraawi;

    Heestanni waxay ka mid tahay, heesaha tirada badan ee uu abwaanku curiyay. Heesta magaceeda waxa la yidhaa "Hooyo", waxaana ku luuqeeya Maxamad Saleebaan Tubeec.
  Heestu wuxuu ku bilaabmay sidan:  
 
Hooyooy la'aantaa;
Adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo        
iftiin lama haleenoo

dadku uma hayaameen         
dayax heego joogoo
sida haad mafuuleen
xiddig hawd ka lulatoo

hawo laguma gaadheen
hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo
ruux aad hagayso

usha mid aad u haysaa
Hilin toosan weligii
ka habaabi maayo
hooyooy addoomuhu
halkay maanta joogaan
adigow horseedoo

intaad hanad xambaartee
haaneedka siisee
horaadada jaqsiisee
habtay baan xisaab iyo
tiro lagu heleynoo

Marka aad nin hiillo
laga baqo hashiisiyo
halyey diran dhashaabaa
hooyo lagu xasuustaa

marka aad nin hoo-loo
gurigiisa habaqluhu
isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo

hor Illaahay geystiyo
lama hure dhashaabaa
hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin himilada
hilin toosan mariyoo

hir markii la gaaraba
ku labaad hilaadshoo
haga maatadisoo &
la higsado dhashaa baa

hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin hoogiyo
ka hor tago dagaalkoo
garta hubin yaqaannoo

xaqa hoos u eegoo                 
halistiyo colaadaha
dabka hura bakhtiiyoo         
ku hagoogata dhiigoo

dadka kale hagaajoo
kala haga dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa
Markaad hoobal caaniyo         

hindisa farshaxanoo
hab-dhaca iyo luuqdiyo         
hawraarta maansada
heensayn yaqaaniyoo

Rabbi hibo u siiyoo
labadaba hannaanshiyo         
hal abuur dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa

Dumar iyo haween baa
nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee         
sida hawd caleen weyn

rag u wada hammuume         
ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee                 
marka guur la haybshee

gabadh heego dheeroo
hoobaan la moodoo                 
karti iyo hub qaadloo
quruxdana ka hodaniyo         
hufan laga aroostaa
hooyo lagu xasuustaa

Hooyooy la'aantaa                 
higgaad lama barteenoo
hooyooy lan'aantaa         
hadal lama kareenoo


ruuxaad habinoo                 
kolba aanad hees iyo
hoobay ku sabinoo                
hawshaada waayaa

hanaqaadi maayee                 
hoygii kalgacalkee
naxariistu hadataay         
Hooyo dushaadaa
                
nabad lagu hubaayoo         
hooyooy dhabtaadaa         
hurdo lagu gam'aayoo         
hooyooy taftaadaa                 

dugsi laga helaayoo
waxaa lagu hal maalaa         
hooyo ababintaadee         
hayin lagu badhaadhaay         

hogol lagu qaboobaay         
gogol lama huraaneey         
dugsigii hufnaantaay         
hidda lagu arooraay

Intaad hooyo nooshahay
hambalyiyo salaan baan        
hanti kaaga dhigayaa
hamrashiyo xaq-dhawr baan
        
dusha kaa huwinayaa
hooyo dhimashadaaduna
hoogeyga weeyoo                 
Weligay hoggaagaan
                
ka dul heesayaayoo
hiyiga laabtaan         
kugu haynayaayoo
hengel baan u xidhayaa         
inta haadka duushiyo
idil habar dugaaggee

IFKA HIBO KU NOOLOOW
AAKHIRO HALKII ROON



Soo saxa soona dhameeya

 Heestan waxa ka jawaabay,
   
   
Suugaanta Somaliland